U bood dhigaalka

Ciidamada Puntland oo howlgallo ka fuliyay gobalka Bari

Sheeko:Amniga

Ciidamada dowlad gobaleedka Puntland ayaa howglalo qorsheysan oo saacadihii la soo dhaafay ay ka fuliyeen deeganno ka tirsan gobalka bari ku burburiyay fariisimo ay ururada Shabaab iyo Daacish ay ku lahaayeen halkaas.

Holwgallada ayaa ka dhacay buuraha gobalka Bari ee Golis iyo Cal-miskaad, waxaana ciidamada PISF iyo PMPF, ay ku burburiyeen fariisimo ay kooxahaan ku lahaayeen deeganada howlgalka uu ka dhacay.

Laammaha amniga Puntland ayaa sheegay in ay xubna ka tirsan Shabaab iyo Daacish ay isaga carareen deeganada hoostaga buuraha gobalka Bari.

Saraakiisha howlgalka hoggaaminaysay ayaa dhankooda sheegay in ay sii wadayaan howlgallada ka dhanka ah labada urur ee ka dagaalanta gudaha Soomaaliya ee Shabaab iyo Daacish.

Goobjoog News