U bood dhigaalka

Ciidamada Puntland Oo Howlgallo Ka Wada Magaalada Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Wararka saaka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug gaar ahaan waqooyiga magaaladaasi ayaa waxay ku waramayaan in ciidamada ammaanka Puntland ay halkaasi ka wadaan howlgallo amni xaqiijin ah.

Howlgalladaan ayaa daba socda sida la sheegay dil habeenkii xalay ahaa magaaladaasi loogu geystay ganacsade caan ka ah gobolka Mudug.

Ciidamada ayaa bartilmaameed ka dhiganaya guryaha ku yaalla xaafadda Israaca oo xalay ahaa dilkaasi uu ka dhacay.

Illaa iyo haatan lama soo sheegin cid ay ciidanka Puntland howlgalkaan kusoo qabteen, hase ahaatee waxaa aad u yar dhaqdhaqaaqa xaafadda Israaca ee Waqooyiga Gaalkacyo.

Koox bistoolado ku hubeysan ayaa habeenkii xalay ahaa waxay xaafadan ku dileen Ganacsade Cumar dheere oo ahaa maareeyaha shirka Somtel ee Gaalkacyo.

Goobjoog News