U bood dhigaalka

Ciidamada Puntland Oo Kaabiga Ku Haya Degmada Qandala, Bari

Sheeko:Dalka

Ciidamada Puntland ayaa lagu soo waramayaa iney kusii siqeen magaalada Qanadala ee gobolka Bari, halkaasi oo ay maamulayaan dagaalyahanno sheegay iney ka tirsan yihiin Kooxda Daacish.

Wararka waxay sheegayaan in ciidamadaan ay haatan u jiraan degmada Qandala qiyaas ahaan 45-km, iyaga oo intey socdeen la kulmay dagaallo ay kusoo qaadeen dagaalyahannada Daacish.

Taliyaha ciidamada badda ee Puntland Admiral C/risaaq Diiriye Faarax oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidanka ay badda iyo barigaba uga socdaan degmada Qandala.

Waxa uu sheegay taliyaha in ciidamada ku socda dhanka bariga ay wadaan Miino baaris, taasna ay keentay in aysan degdeg ku tagin degmada Qandala.

Degmada Qandala waxaa ku sugan dagaalyahanno ka tirsan Daacish, kuwaa oo halkaasi qabsadey bishii aynu kasoo gudubnay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News