U bood dhigaalka

Ciidamada Puntland Oo Lagu Amray Inay Dardar Geliyaan Howlgallada Ka Dhanka Ah Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Wasaaradda amniga ee maamula Puntland ayaa ku ammartay guud ahaan ciidanka amniga ee maamulkaasi inay dardar geliyaan howlgallada ka dhanka ah Xarakada Al-shabaab.

Wasiirka wasaaraddaasi Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa sheegay in ciidanka looga baahan yahay in shacabka ay sugaan amniga shacabka Sooman ayna soo qabtaan cid walbo oo ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab kuna sugan deegaannadooda.

“Ciidamada ammaanka waxaan leeyahay la dagaalla Nabad diidka oo kasoo qabta luuqayada ay ku dhuumanayaan, waa in shacabka Puntland ay nabad ku soomaan, Al-shabaab waxay caadeysteen in xilliga Ramadaanka ay dhibaato u geystaan shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Wasiirka.

Wasiir Qarjab ayaa dhinaca kale ugu baaqay shacabka Puntland inay la shaqeeyaan ciidanka amniga una soo sheegaan wax walbo oo amniga wax u dhimaya.

Ciidamada Puntland ayaa maalmahan dambe xoojiyey howlgallada lagu sugayo amniga guud ee magaaladaasi.

Goobjoog News