U bood dhigaalka

Ciidamada Puntland Oo Qabtay Hub Iyo Dadkii Watay

Sheeko:Amniga

Ciidamada Booliiska ee Puntland ayaa howlgal ay ka sameeyeen magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, waxay kusoo qabteen hub sharci darro ah iyo sidoo kale dadkii watay.

Howlgalkan ayaa dhacay habeenkii xalay, waxayna ciidamada ka sameeyeen qaar ka mid ah xaafadaha Boosaaso, gaar ahaan meello laga war hayey.

Taliyaha qeybta Booliiska ee gobolka Bari, Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in hadda baaritaan ku hayaan raggii ay qabteen iyo hubka ay wateen.

Sidoo kale, taliyaha ayaa sheegay in howlgalkii xalay ay sidoo kale ku qabteen gaadiid lagu raad joogay, balse waxa ay ahaayeen gaadiidkaasi ma aanu sii faah faahin.

Taliyaha ayaa ugu dambeyn u digey dadka wata gaadiidka Miraayadaha madow leh ee horey looga mamnuucay Boosaaso, wuxuuna sheegay in tallaab adag laga qaadi doono.

Ciidamada Puntland ayaa xoojiyey howlgallada ammaanka lagu sugayo ee ay ka sameynayaan magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Goobjoog News