U bood dhigaalka

Ciidamada Puntland Oo Qabtay Tahriibayaal Iyo Dadkii Tahriibinayay (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

TahriibCiidamada maamulka Puntland ayaa howlgal ay sameeyeen waxay kusoo qabteen dad la sheegay in ay Tahriibayeen iyo sidoo kale dadkii waday Tahriibayaasha.

Wasiirka Amniga Puntland Xasan Cismaan Aloore iyo Taliyaha Qeybta Booliiska ee Gobalka Bari oo si wadajir ah ula hadlay saxaafadda ayaa sheegay in ay qabteen dad doonayay in ay si dhuumaaleysi ah ku tahriibaan iyo sidoo kale dadkii Tahriibayaashaan waday.

Dadkaan ayaa u badan sida la sheegay Ajaaniib u dhashay dalalka deriska aynu nahay, islamarkaana si sharci darro kusoo galay deegaanada maamulkaasi.

Ciidamadaan oo howlgalka wada muddo Todobaad ah ayaa si toos ah Bartilmaameed uga dhiganayay xarumaha dadka wax tahriibiya ee ku yaala magaalada Boosaaso ee gobalka Bari.

Wasiirka Amniga Wasiirka Amniga Puntland Xasan Cismaan Aloore ayaa sheegay in Tahriib qaade uu leeyahay ciqaab adag oo xarig iyo Hanti lala wareegayo.

“Tahriib Qaade wuxuu leeyahay ciqaab culus, waxaa lala wareegayaa gaadiidkiisa, waxaana qoraya qodobka Afaraad ee Sharciga laga keenay Tahriibka, Hantida lala wareegayo waxaa qoraya qodobka Shanaad, waxaa kusii jirta xabsi u dhaxeeya Shan ilaa Laba Sano, waxaa kale oo jirta hadii uu dadkii uu waday ama wadi jiray dhibayay, aflagaado qofka la wado waxyeelayso iyo sidoo kale jirdil, dambiga intaas waa uu ka weyn yahay” ayuu yiri Wasiirka Amniga Puntland.

Tahriib qaadayaasha ayuu sheegay Wasiirka in ay ku marqaati furi doonaan dadka ay wadeen iyo sidoo kale ciidamada soo qabtay.

Dhinaca kale wasiirka ayaa sheegay in dadka Tahriibaya iyaguna sharci ka yaalo, marka horena la eegayo sharciga dalka uu kusoo galay, ka dibna maxkamad lasoo taagi doono.

Ugu dambeyn Wasiir Aloore ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan deegaana Puntland in ay soo sheegaan cid walba oo ay arkaan isaga oo wax tahriibinaya, ama dad damacsan inay tahriibaan, waxaana uu uga digay cid walba oo doonaysa in ay tahriibto ama rajo ka qabta in ay wax tahriibiso.

Halkaan Hoose ka dhageyso Sihrka Jaraa’id.

Goobjoog News