U bood dhigaalka

Ciidamada Puntland Oo u Ruqaansaday Degmada Qandala

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa waxay sheegayaan in ciidamada maamulka Puntland ay u ruqaansadeen dhanka degmada Qandala, halkaasi oo ay ku sugan yihiin dagaalyahanno sheegay iney ka tirsan yihiin ururka Daacish.

Wariyaasha Goobjoog ee Punland ayaa soo sheegaya in ciidamo badan oo Puntland ah ay afka aadiyeen dhanka degmada Qandala oo  markii hore ay ku dhowaayeen.

Shacabkii ku dhaqnaa degmadaasi ayaa xilli hore isaga barakacay degmadaasi, waxaana dadka qaar ay doonyo ku gaareen magaalada Boosaaso.

Ciidamada Puntland ayaa dhanka xeebta ka aadey magaalada Qandala, xilli maraakiib dagaal ay ku dhow yihiin xeebtaasi.

Waxaa laga baqayaa in degmada Qandala ee gobolka Bari ay ka dhacaan dagaallo u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo kuwa Daacish.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News