U bood dhigaalka

Ciidamada Siera Leone Ee Ka Joogay Soomaaliya Oo Dalkooda Dib Ugu Laabanaya

Sheeko:Dalka

AMISOM111Waxaa dalkooda dib ugu laabanaya dhamaan ciidamada dowladda Siera Leone ee ka joogay Soomaaliya, kuwaa oo ka qeyb qaadanayay howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose waxaa maanta ka dhacday munaasabad uu ka qeyb galay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno ka tirsan dowladda, taasi oo lagu sagoontinayay ciidankan.

Sidoo kale munaasabadaan waxaa ku sugnaa saraakiil ka mid ah AMISOM iyo mas’uuliyiinta maamulka KMG ee Jubba.

Ciidamadaan ayaa laga joojiyay in ay isbedalaan ka dib cabsi laga qabo cudurka Ebola, kaa oo ka dilaacay dalal ku yaala Galbeedka Afrika oo Siera Leone ay ku jirto.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo 23- October Khudbad ka jeediyay Baarlamaanka ayaa sheegay in ay AMISOM ka dalbadeen in la joojiyo isbedalka lagu sameynayo Siera Leone.

Goobjoog News