U bood dhigaalka

Ciidamada Siiriya Oo Dagaal Ku Qabsaday Deegaanno Cusub

Sheeko:Dalka

Ugu yaraan 63 ruux ayaa ku geeriyootay oo sagaal ka mid ah ay ahaayeen carruur weeraro la aaminsanyahay in ay geysteen diyaaradaha dagaalka dalka Ruushka ee gacanta siinaay nidaamka Bashaar Al-asad.

Duqeymahaan oo xooggooda ka dhacay deegaanka Khasham ee u dhow magalada Deir Ezzor iyadoo dhinaca kalana lasoo weriyey in laba magaallo oo kale aad loo duqeeyey 48 saac ee la soo dhaafay.

Ururka Xaquuqul insaanka dalka Siiriya ee saldhiggiisu yahay dalka Britain ayaa saxaafadda u sheegay in Ruushku uu wado duqeymo aan laga fiirsan meesha loo geysanayo.

Diyaaradaha dagaalka dalka Ruushka ayaa Deir Ezzor waxa ay ka wadeen weeraro tan iyo markii halkaa ay ka bilaawdeen iska hor imaadyo u dhexeeya  kooxda Dowladda Islaamiga ah ee Daacish iyo ciidamada dalka Siiriya.

Duqeyntan cusub ee Deir Ezzor ayaa imaaneysa xili ciidamada daacadda u ah madaxweyne Asad ay gacanta ku dhigeen iyaga oo taageero ka helaya ciidamda Ruushka gobolka Xeebta ku yaalla ee Latakia.

Labadii maalin ee ugu dambeysay waxaa sidoo kale weeraro lala beegsaday magaladda Raqqa ee caasimada IS ee dalka Siiriya halkaas oo la sheegay in ay ku geeriyoodeen 44 ruux oo ay dad shacab ah ku jireen, dad goobjoogayaal ah ayaa soo weriyey in dhaawacyada qaar ay xaaladoodu aad u liidatay lagana cabsi qabo in ay u geeriyoodaan dhaawacyada culus ee soo gaaray.

Madaxweyne Asad iyo Ruushka ayaa billaabay olole dhan cirka ah oo ka dhan ah mucaaradka bishii September ee sanadkii 2015.

Weeraradaa oo badal u noqday kuwo Mareykanku uu ka geysan jiray magaalooyinka mucaaradka islaamiyiinta ah ay heystaan ee dalka Siiriya.

 

Mareykanka ayaa billaabay weeraro xooggan oo IS lala beegsaday bishii September ee 2014 kaas oo gabaabsi uu ku yimid tan iyo markii ruushku uu billaabay duqeynta ay bishaar al Asad u barbartaagan yihiin.

Ugu yaraan dad gaaraya  4,272 oo ay ku jiraan  315 rayid ah ayaa geeriyooday tan iyo markii weerada cirka ah ay ka billaawdeen dalkaasi.

In kabadan   250,000 ayaa ku dhintay dagaalada dalkaa ka aloolsan tan iyo markii ay billawdeen March 2011.

Goobjoog News