U bood dhigaalka

Ciidamada Somaliland Iyo Kuwa Puntland Oo Ku Dagaallamay Gobolka Sanaag

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada maamullada Puntland iyo Somaliland ayaa lagu soo waramayaa in maanta uu ka dhacay deegaanka Booda Cad oo qiyaastii 30-KM dhanka galbeed ka xiga degmada Dhahar ee gobolka Sanaag.

Dagaalka ayaa ahaa mid xooggan, waxaana saraakiisha ciidanka Somaliland ay sheegeen in weerarka ay soo qaadeen ciidamada maamulka Puntland.

Dagaalkan waxaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta, balse weli lama hayo khasaaraha saxda ah inta uu la egyahay.

Ismaaciil Shaqalle oo ah taliyaha ciidamada Milatariga Somaliland oo la hadlay warbaahinta waxa uu sheegay in khasaare ay soo gaarsiiyeen ciidamada Puntland, ay gubeen gaadiid dagaal, kuwo kalena ay qabsadeen halka uu sheegay in Lix Maxbuus ay gacanta ku hayaan.

Taliyaha ayaa sheegay in maxaabiista ay hayaan uu ku jiro xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Puntland kaasi oo magaciisa uu ku sheegay Maxamed Canjeex.

Dhanka kale saraakiil ka tirsan Puntland kuna sugan gobolka Sanaag waxay sheegeen in dagaalkaasi ay gaari uga gubeen dhanka Somaliland sidoo kalena uu jiro khasaare ay gaarsiiyeen ciidankii ay la dagaallameen.

Puntland kama aanay hadal waxa ka jira askartan la sheegay in laga hayo, iyo sidoo kale xildhibaanka.

Xaaladda deegaankii lagu dagaallamay waa mid kacsan, waxaana socda weli dhaq dhaqaaqyo ciidan oo Labada dhinac ay kala wadaan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News