U bood dhigaalka

Ciidamada Talyaaniga Oo Badbaadiyey 3 Kun Oo Tahriibayaal Ah

Sheeko:Dalka

Ciidamada ilaalada xaduudaha waddanka Talyaaniga ayaa waxay sheegeen inay badbaadiyeen doomo ay saaranyihiin ku dhawaad 3-kun oo qof kuwaas oo ahaa tahriibayaal ka yimid dhanka xeebaha waddanka Liibiya sida ay sheegtay hay’ad laga leeyahay dalka Jarmalka.

Arrintaani ayaa imaanaysa maalin ka dib markii la badbaadiyay in ka dabadan Labo kun oo muhaajiriin ah kuwaasi oo ka yimid dhanka Liibiya waxa ayna doonayeen in si sharci darro ah ku galaan qaaradda Yurub.

Saraakiisha waddanka Talyaaniga in ku dhawaad 35 oo falalka noocaan oo kala ah ay badbaadiyeen ciidamada Talyaaniga.

Hawlaha badbaadinta dadka ayaa waxaa ka qeyb qaatay xaalada cimilada badda oo aad u wanaagsan, arintaasi oo keentay inay bataan hawlaha badbaadinta dadka tahriibayaasha ah.

“Waxaa la rajeynayaan in ciidamada ilaalada xeebaha waddanka Talyaaniga la siin doono doomo ay ku badbaadiyaan dadka Tahriibayaasha ah” sidaasi waxaa tiri hay’ad laga leeyahay dalka Jarmalka oo ka shaqeysa dhanka samafalka.

Hay’adda caalamiga ah ee qaabilsan dhanka tahriibka ayaa waxa ay sheegtay ku dhawaad dad ka badan Soddon Kun oo qof oo tahriibayaal ah inay si sharci darro ah ay ku galeen qaaradda Yurub, iyagoo dadkaasi Yurub kasoo galay dhanka badda intii lagu guda jiray sanadkaan 2017-ka.

Sidoo kale hay’adda waxa ay sheegtay inay dhinteen in ka badan 650 qof oo iyaguna ahaa tahriibayaal kuwaas oo ku dhintay badda cas inta ay ku guda jireen safarkooda.

Goobjoog News