U bood dhigaalka

Ciidamada Uganda: Lama Dagaali Karno Al-shabaab…Xataa Ma Difaacan Karno Meelaha Aan Heysanno

Sheeko:Dalka

Madaxa hoggaanka  ciidamada Uganda Gen David Muhoozi,  ayaa sheegay in ciidamooda aaney xilligan la-dagaali karin xarakada Al-shabaab, isaga oo sababta ku sheegay qarash la’aan, arrimaha lojistikada iyo dhibaatooyin heysta ciidamada xoogga dalka.

Ugandiis-ka waxaa ay xireen dhowr xero sida uu sheegay si ay u helaan awood ay isku difaacaan isaga oo intaasi raaciyay in aaney weerar ku qaadi Karin Al-shabaab.

“ Natiijada aan hadda heyno, waa in aanan difaaci Karin meelaha gacanteenna ku jira, waxna kama tari karo yareynta awoodda cadawga”, sidaasi waxaa yiri Gen David Muhoozi.

Uganda waxaa ay markii ugu horeysay Soomaaliya ciidamo keentay March 2007 , weli waxaa ay leeyihiin ciidamada ugu tirada badan  ee 22,000 ee ciidamada  (Amisom) oo ay ku jiraan sidoo kale Burundi, Djibouti, Ethiopia iyo Kenya.

Ciidamada Uganda waxaa ay sheegayaan inuu jiro walaac ah in loo baahanyahay ciidamo horleh sida uu September 2017kii sheegay madaxweynahooda Museveni, laakin intii ciidamo la keeni ay lahaa ay golaha ammaanka soo saareen qaraar ku saabsan in AMISOM la dhimmo, mas’uuliyadana la wareegaan ciidamada xoogga dalka.

Goobjoog News