U bood dhigaalka

Ciidamada Xasilinta Oo Laga Qaadey Jidadka Muqdisho

Sheeko:Dalka

Iyada oo loo hoggaansamo go’aankii amniga qaranka ee ahaa in jidadka Muqdisho la furo, waxaa saaka caadi ah oo furan dhammaan jidadkii ay ciidamada joogeen.

 

Koonfurta Muqdisho, isgoyska Debka, Bakaaraha, Wadnaha illaa Tarabuunka oo ka mid ahaa meelaha ugu dhibka badan ee gaadiidka safaf dheer u geli jireen ayaa furan, oo gawaarida caadi u marayaan.

 

Dhanka waqooyiga Muqdisho waxaa iyadana la qaaday Saca, Afarta Derjiino aya aka mid ahaa meelaha ay ciidamada banneeyeen.

 

Gaadiidley la hadashay Goobjoog News, waxaa ay sheegeen in la adkeeyay goobaha u dhow madaxtooyada iyo agagaarka guriga hooyooyinka.

 

Dhinaca kale, waxaa biro lagu xiray jid cadayaasha qaar ka mid ah xaafadaha Muqdisho, sida degmada Waaberi, taasi oo aan la ogeyn micnaha iyo sababta ka dambeysa.

 

Amniga Muqdisho ayaa noqday wal-walka ugu badan, bishii ugu dambeysay waxaa agagaarka Villa Somalia ka dhacay labo dhacay oo in ka badan 20 qof ku dhinteen.

 

Ciidamada la qaadey jidadka waa arrin fiican, laakin weli waxaa xiran jidadkii, teeda kale dadka waxaa ay wal-wal ka qabaan in dowladda aaney dejin qorshe looga hortago qaraxyada, taasi oo keeni karta in marka uu qarax kale dhaco loo helo marmarsiyo ay ciidamada mar kale ku soo noqdaan.