U bood dhigaalka

Ciidamada Xoogga Dalka Oo Howlgallo Ka Sameeyey Shabeellada Hoose

Sheeko:Amniga

Ciidamada xoogga dalka Guutada 7-aad qeybta 60-aad ayaa sheegay in howlgallo  ay ka sameeyeen gobolka Shabeellada Hoose, halkaas oo  ay ku burburiyeen fariino ay la haayeen Al-shabaab, kadib howlgal ay ku gaareen deegaan Jambaluul.

Ciidamada ayaa waxay sheegeen in sidoo kale ay howlgallo ka sameeyeen Tuulooyin dhaca gobolka Shabeellada hoose, gaar ahaan  Tuulooyinka Banana, Sardhagool iyo wadada Xariirisa Afgooye iyo degmada Balcad, ee gobolka Shabeellada dhex.

Ciidamada xoogga dalka ayaa maalmihii ugu dambeyey  waxaa ay howlgallo ka wadeen deegaanno iyo degmooyin dhaca maamullada Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle, waxaana mararka qaar ka dhaca dagaal u dhaxeeyo iyaga iyo Al-shabaab.

Goobjoog News