U bood dhigaalka

Ciidamada Xoogga Dalka oo La Wareegay Deegaanno Ka Tirsan Gobolka Jubbada Hoose

Sheeko:Amniga

Ciidamadda Kumaandooska Xoogga Dalka ee DANAB ayaa   Al-Shabaab ka saaray Degaanno ka tirsan Gobolka Jubadda Hoose, kaddib howlgal ciidamada ay ka sameeyeen deegaanno hoos yimaado degmooyinka Kismaayo iyo Jammaame ee gobolka Jubadda Hoose.

Kumaandooska ayaa howlgalkaan kula wareegay  tuulooyinka Xawaaljiri, Bernasey, Yaaqbishaar iyo Cusbo, kuwaas oo muddooyinkii dabmbe  Al-Shabaab ay ariminayeen.

Taliyaha Ururka 5-aad Guutada 16-aad Kumaandooska DANAB ee xoogga dalka Gaashaanle Xasan Aadan Ciraaqi ayaa Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida u sheegay in howlgalka lagu dilay 6 dagaalame oo ka tirsan Al-shabab intii howlgalka ay ku guda jireen.

 

Goobjoog News