U bood dhigaalka

Ciidamada Xoogga Dalka oo La Wareegay Deegaanno Ka Tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose

Sheeko:Amniga

Ciidamadda Kumaandooska xoogga dalka ee danab iyo Gorgor oo siwada jir ah u howlgalaya ayaa Al-shabaab kala wareegay deegaanno hoos yimaada magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellah hoose.

Howlgalkaan ayaa si gaar uga dhacay deegaannada Jilib Marko iyo Gandarshe, kuwaas oo dhulka xeebta ah ee u dhexeeyo degaanka Jasiira iyo degmada Marka, oo muddooyinkii dambe ay ku sugnaayeen Al-shabaab.

Taliyaha guutada 16-aad Kumaandooska xoogga dalka ee Danab G/le Ismaaciil Cabdimaalik Maalin oo la hadlay  Idaacadda Ciidamadda qalabaka Sida ayaa  sheegay in ciidanka intii ay howlgalku socday ay ku dileen laba sarkaal oo ka tirsan Al-shabab.

Taliyahaa ayaa sheegay saraakiisha  ladilay  Al-shabab ay u qaabilsanaayeen  degaanada xeebta ah ee ay ciidamadda la wareegeen. waxaana magacyadooda uu ku sheegay Xeroow,iyo Ciise yare.

Ciidamadda kumaandooska xoogga dalka ee danab iyo gor-gor ayaa haatan waxay wadaan howlgalo baaritaano ah oo ay ku xaqijinayaan amaanka degaanada jilib marko iyo gendershe ee gobolka shabeelaha hoose.

Goobjoog News