U bood dhigaalka

Ciidamada Xoogga Dalka oo oo Ka Warbixiyay Howgallada Ka Socda Gobolka Hiiraan

Sheeko:Amniga

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka dhan ah  Al-Shabaab, ka wado degaanno ka tirsan Gobalka Hiiraan, ayaa sheegay ku guuleysteen in ay gaaraan  goobo la sheegay in ay ku sugnaayeen xoogag ka tirsan Al-shabaab, kuwaas oo dhaca inta u dhaxeysa degmooyinka Matabaan iyo Maxaas, gaar ahaam degaanka Qabno ee hoostaga degmada Matabaan.

Ciidamada oo uu hoggaaminaayo guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa sheegay in ay ka war heleen in dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ay isku uruursanayeen deegaanka, kadibna ciidanku ay weerar ku qaadeen, taliska ayaa sheegay in howlgalka lagu dilay 8 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab sida ay hadalka u dhigeen saraakiisha ciidanka.

Saraakiisha guutada 5-aad, qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga dalka ayaa sheegay inay ka go’an tahay inay Al-Shabaab ay  ka saaraan  degaannada u dhaxeeya degmooyinka Maxaas iyo Matabaan ee gobolka Hiiraan, halkaas oo beryahii ugu danbeeyay ay howlgallada ka socdeen, tiiyoo ay jirto in deegaannadaan ay ka jirto abaar baahsan .
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, oo qeeyb ka ah hoggaanka  howlgallada ay Ciidamada ka wadaan inta u dhaxeeysa Matabaan iyo Maxaas, waxaana  intii ay socdeen howlgalada lagula wareegay dhowr degaan oo ay horay ugu sugnayeen dagaalamayaasha  Al-Shabaab, kuwaas oo u dhaxeeya degmooyinka Matabaan iyo Maxaas.
Goobjoog News