U bood dhigaalka

Ciidamada Xoogga iyo Daraawiishta Jubbaland oo Howlgal Ka Fuliyay Jubbada Hoose

Sheeko:Amniga
Ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan kuwa Kumaandooska oo taageero ka helaya kuwa Daraawiishta dowld goboleedka jubbaland ayaa sheegay in howlgal ay wadajir u fuliyeen lagu burburiyay fariisimo ay lahaayeen dagaalamayaasha Al-shabaab oo ku sugnaa deegaanka ay ciidanku gaareen
Howlagalkaan ayaa waxaa uu si gaar ah uga dhacay deegaanka Miido oo 26-KM u jira Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada hoose, waxaana qeyb ka ahaa rurka 5-aad Guutada 16-aad ee kumandooska Danab ee Xoogga dalka ee ku sugan deegaannada Jubbaland oo ay  howlgallo ay ka socdaan.
Taliyaha Ururka 5-aad Guutada 16-aad Danab Taliye Carab dheeg Axmed ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in howlgalka lagu dilay 7 dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab, halka sidoo kale lagu dhaawacay 5 kale, iyagoo intaas ku daray in howlgalka lagu furtay 4-qori oo ah nooca AK47, 1-qori oo BKM.
Ciidamada Xoogga dalka gaar ahaan Kumaandooska Danab iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ayaa muddooyinkii dambe howlgallo isdaba joog ah ka waday deegaanno ka tirsan maamulkaas, xilli dhowaan la filaayo in howlgalka wajigiisa labaad uu ka bilowdo halkaas, sida ay horey u shaacisay dowladda.
Goobjoog News