U bood dhigaalka

Ciidamada Xoogga iyo Daraawiishta Jubbaland oo Howlgallo Ka Sameeyey Jubbada Hoose

Sheeko:Amniga

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta maamulka  Jubbaland oo iskaashanaya ayaa waxaa ay howgalllo ka sameeyeen deegaanno hoostaga degmada Jamaame ee gobolka Juubada hoose.

Howlgalladaan oo ahaa kuwa amniga lagu xaqiijinaayey ayey saraakiisha hoggaaminaysay waxaa ay sheegeen in lagu soo qabtay rag ka tirsan Al-shabab, howgllada ayaana si gaar ah uga dhacay deegaannada  Koban, Bangiini iyo Araare.

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ayaa mararka qaar howlgallo ka sameeya gobollada Jubbooyinka,kaas in badan ay ku celceliyaan in u jeedka laga leeyihiin uu yahay in ay gaaraan degmada Bu,aale oo ah caasimadda maamulkaasi.

Goobjoog News