U bood dhigaalka

Ciidamada Xoogga iyo Kuwa Jubbaland oo Ka Hadalay Weerar Ka Dhacay Jubbada Hoose

Sheeko:Amniga

Ciidamada xoogga dalka iyo Daraawiishta dowlad goboleedka Jubbaland ee ku sugan deegaanka Janaay Cabdalle ee gobolka Jubbada hoose ayaa sheegay in ay fashiliyeen weerar ay dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ay kusoo qaadeen deegaankaas, sida ay baahisay warbaahinta ciidamada qarabka sida.

Saraakiisha hoggaaminaysa ciidanka ku sugan deegaanka ayaa sheegay in kooxdii weerarka soo qaaday jab lagu gaarsiiyay halkaas, sida ay hadalka u dhigeen, iyaga oo intaas ku daray in ay jiraan meydad ay ka carareen oo soo badhigi doonaan, kadib markii soo idlaado howlgalka ay wadaan ciidanka.

Ciidamada xoogga dalka iyo Daraawiishta dowlad goboleedka Jubbaland ee ku sugan Jubbaland ayaa waday dhaqdhaqaaqyo ciidan muddooyinkii ugu dambeysay, iyagoo sheegay in ay u diyaar gabeen sidii Al-shabaab looga saari lahaa deegaannada ay kaga suga yihiin maamulka Jubbaland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Dr. Xasan Shiikh Maxamuud oo gaaray Kismaayo ayaa kulamo la qaatay madaxweyne Axmed Madoobe iyo saraakiisha ciidanka xoogga iyo Daraawiishta, iyagoo ka wadahadlay sidii loo bilaabi lahaa howlgallo ka dhan ah Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa deegaannada Jubbaland kaga sugan magaalooyin dhowr ah oo ay ku jirto magaalada Bu’aale ee caasimadda rasmiga ah, ciidamada huwanta ayaa muddooyinkii dambe ku diyaar garoobayay degmada Afmadow oo noqonaysa halka laga hoggaaminayo howlgallada dib-u xoreynta.

Goobjoog News