U bood dhigaalka

Ciidamada Xoogga oo Soo Bandhigay Xubin Ka Tirsan Al-shaab oo Isku Dhiibay

Sheeko:Amniga

Taliska Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan qeybta 60-aad ayaa Maanta Magaalada Baydhabo ee Xarunta kumeel gaarka ah ee  Maamulka Koonfur Galbeed kusoo bandhigeen Xubin ka tirsanaa  Al-Shabaab oo ay sheegeen in  uu isku soo dhiibay dhankooda.

Maxamed Maxamuud Fanax  ayaa ahaa xubin ka tirsan Al-shabaa, waxaana uu  ka howlgeli jiray degmada Saakow ee Gobolka Jububada Dhexe, isla markaana waxaa muddo 5  sano ah  la shaqeynayay  Al-Shabaab, isaga oo qaabil sanaa jabhada gobolada.

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed qeybtooda 60-aad ayaa muddooyinkii dambe soo bandhigayay xubno ka tirsan Al-shabaab oo dhankooda isku soo dhiibay, waxaana ugu dambeeyay Maxamed Maxamuud Fanax oo maanta iska  dhiibay gobolka Bay.

Goobjoog News