U bood dhigaalka

Ciidamadii Barre Hiiraale Ee Ku Sugnaa Deegaanka Sabca Asharaaf Oo La Keenay Kismaayo

Sheeko:Dalka

Ciidamadii Barre Aadan Shire Hiiraale ee ku sugnaa deegaanka Sabca Asharaaf ee gobolka Jubada Hoose ayaa la keenay magaalada Kismaayo, waxaana la wareegay ciidanka AMISOM ee ku sugan magaaladaasi.

Wararku waxay sheegayaan in gelinkii dambe ee shalay ay halkaasi tageen ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Itoobiya oo la wareegay ciidankan.

Tirada ciidankaan lala wareegay ayaa gaaraya 50 iyo saraakiil hogaamineysay kuwaasi oo kamid ahaa ciidan horay loo  keenay Kismaayo.

Waxaa jiray muranno aan badneyn oo ka dhashay arrinta la wareegista ciidankaan, waxaana murankaan uu soo dhexgalay kuwa Itoobiya iyo Kenya sida ay inoo xaqiijiyeen saraakiil halkaasi ku sugan.

Ugu dambeyn ciidanka Itoobiya ayaa la wareegay ciidankaan oo dejiyey meel u gaar ah, waxaana ciidankaan lasoo xareeyey qeyb ka yihiin heshiiskii dhawaan Kismaayo ku gaareen Jubbaland iyo beel degta deegaannada Jubbaland.

Ciidamadan ku sugnaa deegaanka Sabca Asharaaf waxay ka mid ahaayeen ciidan horay uga dhex dagaallamay magaalada Kismaayo kadib markii muran uu ka dhashay doorasho ka dhacday magaaladaasi.

Goobjoog News