U bood dhigaalka

Ciidamka Booliiska oo Gacanta Ku Dhigay Ruux Dhac Ka Geystay Goob Ganacsi

Sheeko:Amniga

Ciidamada Boliiska Degmada Hodan ayaa sheegay in gacanta ku soo dhigeen  eedeysane loo haysto inuu dhac ka geystay goob ganacsi oo ku taala degmadaas.

Ruuxaan ciidanku ay qabteen ayaa loo haystaa inuu goobta ganacsi ka qaatay tiro teleefoono ilaa 3 moobil ah kuwaas oo ka la ahaa A32, A13 iyo A33.

War kooban oo Taliska kasoo baxay ayaa lagu yiri “Ummadda Soomaaliyeed, waxaan u xaqiijinaynaa in eedeysanuhu gacanta Boliiska ku jiro cadaaladana uu wajahayo”.

Eedeysanahaan ayaa waxaa gacanta ciidanka ay ku dhigeen kadib howlgallo ay ka sameeyeen degmada, xilligii lagu wargaliyay inuu geystay falka dhaca ah ee goobtaasi.

Taliska hadalka kasoo baxay ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo maalmihii dambe caasimadda lagu arkayay kooxo burcad ah oo geysanaya dhac sida laga arkayay Camirooyinka.