U bood dhigaalka

Ciidamo Ajnabi Ah Iyo Diyaarado Dagaal Oo Weerar Cirka Iyo Dhulka Ah Ka Fuliyey Shabellaha Hoose

Sheeko:Dalka

Maamulka deegaanka Awdheegle ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in habeenkii xalay ahaa ay deegaankaasi weerar cirka iyo dhulka ah ka geysteen ciidamo Ajnabi ah iyo diyaarado dagaal oo ay wateen.

Gudoomiyaha deegaankaasi Maxamed Aweys Abukar oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in weerarkaan uu dhacay habeenkii xalay ahaa saacaddu markii ay ahayd 12-ka saqdhexe.

Waxa uu sheegay in ciidankaan iyo diyaaradahaan bartilmaameedsadeen dhowr xarun oo xarakada Al-shabaab halkaasi ku lahaayeen.

Waxa uu xaqiijiyay in halkaasi ay ku geeriyoodeen 11 ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab, islamarkaana meydadkooda illaa saakay ay yaalleen deegaankaasi waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Ciidamo Ajaaniib ah oo wata diyaarado dagaal ayaa xalay ka degay deegaanka Awdheegle Lixdii Saac waxay ku wajahnaayeen baro cayimam oo Al-shabaab halkaasi kaga sugnaayeen weyna ku guuleysteen weerarkaasi, waxay dileen 11 ka mid ah Al-shabaab” ayuu yiri gudoomiyaha Awdheegle.

Sidoo kale gudoomiyaha ayaa sheegay in weerarkaan dhacay ay ka warhaysay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale maamulka gobolka Shabellaha Hoose.

Dhanka Al-shabaab weli wax war ah kama aanay soo saarin weerarkaan la sheegay in lagu qaaday deegaanka Awdheegle, waxaana xusid mudan in maamulkaan shaaciyay duqeyntaan aanu dhowr bil ka shaqeyn gudaha deegaankaasi oo Al-shabaab ay maamulayeen.

Ma cadda weli dalka ay u dhasheen ciidankaan weerarka ku qaaday deegaanka Awdheegle, hase ahaatee tani ayaa imaanaysa xilli sabtidii lasoo dhaafay diyaaradaha dagaalka Maraykanka ay gobolka Hiiraan ka fuliyeen weerar ay ku dileen dagaalyahanno badan oo Al-shabaab ah.

Goobjoog News