U bood dhigaalka

Ciidamo AMISOM Ah Oo Gaaray Degmooyinka Guriceel Iyo Dhuusamareeb Ee Galgaduud

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamo badan oo Itoobiyaan ah, kana mid ah howlgalka AMISOM ay gaareen degmooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb.

Ciidamadaan oo aad u badan ayaa la sheegay in banaanka degmooyinkaasi ay fariisin ka sameysteen, iyadoo tegidooda halkaasi aan la ogeyn uljeedka ay la xiriirto.

Qof ku sugan degmada Guriceel ayaa Goobjoog News u xaqiijiyay in ciidamadaan ay yihiin kuwo hubeysan, lagana war helay iyaga oo kusoo qul qulaya degmadaasi.

Ciidamadaan gaaray degmooyinkaan ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxa ay dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wadeen gobalka Galgaduud.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News