U bood dhigaalka

Ciidamo Gaar Ah Oo Tababar Loogu Soo Xiray Kismaayo (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa tababar waxa uu magaalada Kismaayo ugu soo xiray ciidamo gaar ah oo ka tirsan ilaalada madaxtooyada Jubbaland.

Ciidamadan waxay muddooyinkaan tababarkan ku qaadanayeen magaalada Kismaayo, waxaana munaasabaddii lagu soo xirayey tababarkan hadal ka jeediyey madaxweyne Axmed Madoobe.

Madaxweynaha waxa uu kula dardaarmay ciidankaan in ay noqdaan kuwo si cad uga soo dhalaala waajibaadka saaran, islamarkaana si hufan u qabta shaqooyinka loo dhiibo.

Waxa uu ku bogaadiyey ciidankaan inay ka fogaadaan isticmaalka balwadda, sida Khaatka iyo sigaarka isaga oo sheegay in balwaddu ay askariga ay u horseedayso shaqo xumo.

Jubbaland ayaa bilihii ugu dambeeyay wadday tababaro ay siinayso ciidamada gaarka ah ee loogu tala galay inay ilaaliyaan madaxtooyada Kismaayo iyo sidoo kale xarumaha kale ee maamulkaasi.

a9 a8 a7 a4

Goobjoog News