U bood dhigaalka

Ciidamo Gadoodsan Oo Lawareegay Bangiga Dhexe Ee Gaalkacyo

Sheeko:Amniga

Ciidamo Gadoodsan oo Puntland ah ayaa maanta la wareegay Bangiga dhexe ee magaalada Gaalkacyo.

Waxa ay ciidankaan hakiyeen dhammaan shaqooyinkii ka socday halkaasi iyaga oo sidoo kale xiray waddooyinka gala Bangiga.

Ciidamada la wareegay Bankiga dhexe ee Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa la sheegayaa in ay ka tirsanyihiin ciidamada ammaanka Maamulka Puntaland kuwaasi oo muddo aan qaadan wax Mushaar ah.

Ilaa iyo hadda ma jirto Madax ka tirsan Puntaland oo ka hadashay la wareegidda ciidamada ee Bankiga dhexe .

Ilo wareedyo ka ag dhow halkaasi ayaa Goobjoog News u xaqiijiyay in ciidamada gadoodsan ee la wareegay Bankiga dhexe ee Gaalkacyo ay xireen dhammaan waddooyinka soo gala Bankiga waxaana hareerihiisa lagu arkayaa ciidamo badan oo hubeysan.

Goobjoog News