U bood dhigaalka

Ciidamo Gorgor iyo Haramcad Isugu Jira oo Maanta Gaaray Matabaan

Sheeko:Amniga

Ciidamo isuguu jira kuwa  Gorgor iyo Harmacad ee dowladda federalka Soomaaliya ayaa maanta gaaray degmada  Matabaan ee gobolka Hiiraan, waxaana la sheegay in ciidamadu ay fasiinno ciidan ka samaysteen daafaha magalada iyo gudaheeda.

Ciidankaan gaaray maagalada ayaa ka soo kala  baxay magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb, waxayna ay ka qeyb qaadan doonaan amniga, iyadoo ay jirto in magaalada ay dhowr jeer weerarro kusoo qaadeen xoogag ka tirsan Al-shabaab.

Ciidamo u badan boolis oo ku sugan degmada Matabaan ayaa sheegay iney ka hortageen weerar shalay xoogag ka tirsan shabaab ay kusoo qaadeen magaalada, waxaa ay keentay in ay tagaan degmada Matabaan ciidammad isku jirka ah.

Goobjoog News