U bood dhigaalka

Ciidamo howlgallo ka bilaabay deegaanno hoostaga gobalka Mudug

Sheeko:Amniga

Ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka oo shalay gaaray magaalada Galkacyo ayaa lagu soo warmaya in ay magaalada iyo deegaannada hoostaga gobalka Mudug ka bilaabeen hawlgallo ka dhan ah ururka alshabaab.

Saraakiisha ciidamada hoggaaminaysay ayaa sheegtay in ay ciidamada ay gobalka Mudug u yimaadeen sidii ay Al-shabaab uga saari lahaayen deegaannada ay kaga sugan yihiin.

Ciidamadaan oo ka tirsan kuwa xoogga dalka ayaa waxaa magaalada Galkacyo ku soo dhaweeyay mas’uuliyiinta maamulka Galmudug.

Odayaasha dhaqanka, Waxgaradka iyo bulshada gobalka ayaa dhankooda soo dhaweeyay hawlgallada ka dhanka ah ururka alshabaab ee ciidamada ay ka bilaabeen gobalka Mudug.

Goobjoog News