U bood dhigaalka

Ciidamo Isku Dhaf Ah Oo Sugi Doona Ammaanka Magaalada B/weyne

Sheeko:Amniga

Magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa lagu soo bandhigay ciidamo isku dhaf ah oo ka kala tirsan Milatari iyo Nabad Sugid, kuwaasi oo sugi doona ammaanka guud ee magaaladaasi.

Ciidamadan oo tiro ahaan badan ayaa laga doonayaa iney xaqiijiyaan ammaanka B/weyne oo maalmahan dambe ay ka dhacayeen falal amniga wax u dhimayey.

Taliyaha qeybta 27-aad Guutada Shanaad ee ciiidanka xoogga dalka Korneel Korneel Faarax Cali Waasuge ayaa ciidankaan kula dardaarmay in shacabka si wanaagsan ula dhaqmaan, kana fogaadaan wixii xadgudub ah.

“Waajibaadka la idin ka rabo waa midka aad u dhaarateen oo dalkaan u hayseen, waxaa la idin ka rabaa inaad cadogw la dagaashaan, ammaanka sugtaan, shacabkana badbaadisaan, wadanka iyo gobolkana wanaag u keentaan, waxaad isku tihiin Hal ciidan, waxaa la idin ka rabaa inaad la shaqeysaan saraakiisha” ayuu yiri taliyaha.

Ciidamadan ayaa fariismo ka sameysan doona meello badan oo magaalada B/weyne ah, waxaana ay ka shaqeyn doonaan xaqiijinta ammaanka magaaladaasi.

Goobjoog News