U bood dhigaalka

Ciidamo Itoobiyaan Ah Oo Fariisimo Cusub Ka Sameystay Xuduuddka Dhanka Gobolka Galgaduud

Sheeko:Dalka

Ciidamo Itoobiyaan ah oo wata gaadiidka dagaalka ee gaashaaman iyo hub fara badan ayaa lagu arkayaa deegaanka Dacdheer ee gobalka Galgaduud, kuwaasi oo halkaasi fariisimo cusub ka sameystay.

Dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in ciidanka Itoobiya markii ay soo gaareen deegaankaasi ay amarro kusoo rogeen dadka shacabka ah ee halkaasi deggan.

Saraakiisha ciidanka Itoobiya ayaa amray in deegaanka aan loo ogalayn hub iyo wixii lamid ah, iyagoo dadweynaha meel fagaare ah ugu sheegay in wixii xilligani ka dambeeyo ay Dacdheer ka taliso Itoobiya.

Maamullada Galmudug iyo kan Ahlu-sunna weli kama aysan hadlin arrintani oo dadweynaha fajac ku noqotay.

Deegaankani horay uma jirin ciidamo ugu sugnaa waana deegaan ay ku nool yihiin dad u badan reer guuraa.

Maxamuud Aadan Maxamed waa mid kamid ah dadka deegaanka Dacdheer waxa uu Goobjoog News u sheegay in ay la amakaageen ammarkaan kasoo baxay saraakiisha Itoobiya.

Waxa uu tilmaamay in ay doonayaan shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda oo mid ah in tani ay ka jawaabaan, maadaama dhulka uu yahay mid Soomaaliyeed.

Lama oga illaa iyo iminka Ulajeedka keentay in Itoobiya ay fariisimo ka sameysato deegaanka Dacdheer oo ku yaalla gobalka Galgaduud gaar ahaan dhanka xuduudka Itoobiya.

Goobjoog News