U bood dhigaalka

Ciidamo Ka Gadooday Maamulka Puntland oo Shaaciyey Sababta Ku Kaliftay Gadoodka

Sheeko:Amniga

Ciidamado ka tirsan dowlad goboleedka Puntland kuna sugan qeybo ka mid ah gobolka Gardafuu ayaa muuqaal ay soo galiyeen baraha bulshada waxaa ay ku sheegeen in dowlad goboleedka Puntland ay ka go’een ayna yihiin ciidamo deegaanka ah kuwaas oo taageersan dowladda federaalka  sida ay sheegeen saraakiisha hoggaaminaysa.

Ciidamadaan ayaa xusay gobolka ay ku sugan yihiin Gardafuu in uu yahay gobol ay iyagu amnigiisa ay gacanta ku haayaan aysan ka jirin Al-shabaab iyo Daacish oo ka dagaalama gobolka Bari, iyagoo ku dhawaaqay in ay ka baxeen ka mid ahaanshiyaha dowlad goboleedka Puntland  mid ka mid ah askarta ayaa sheegay sababta ay u gadoodeen.

” Gobolka Gardafuu waa gobol ka mid ah gobolada Puntland uguna amni badan Deni ayaa yiri waxaan keenayaa ciidamada Saracen ee Imaaraadka, Al-shabab iyo Daacish meel ay ka jiraan ayaa loo diraa Gardafuu Daacish kama jirto ee nabad ayaa ka jirto waa gobol ammaan ah waxaas annagu maqaadaneyno Sarason marabno haddii aan nahay ciidan iyo oday dhaqameed waxaad wado iyo ciidamada Imaaraadka waan ka soo horjeednaa ” ayuu yiri.

Saraakiisha ciidamada hoggaanka u ah ayaa sheegay in ay sidoo kale dhaliilsan yihiin faragelin ay ka tirsanayaan madaxtooyada Puntland ay ku hayso waxgaradka deegaanka iyagoona baaq u diray dowaldda federaalka oo ay ka dalbadeen in ay taageero siiso waxaana si dhaba loo ogeyn sababta ka dambeyso gadoodka ciidamada sameeyeen.

Goobjoog News