U bood dhigaalka

Ciidamo Ka Tirsan Al-shabaab Oo La Wareegay Deegaanka Garacad Ee Gobolka Mudug

Sheeko:Dalka

Ciidamada Xarakada Al-shabaab ayaa lagu soo waramayaa in ay si buuxda ula wareegeen deegaanka Garacad ee gobolka Mudug, halkaasi oo horay u maamuli jirtay Puntland.

Al-shabaab ayaa si lama filaan ah iyaga oo doonyo wata halkaasi kusoo galay, waxaana la sheegay in ay fariisimo ka sameysteen dhammaan xarumaha muhiimka ah deegaankaasi.

Qof ku sugan deegaanka Garacad oo ka gaabsaday magaciisa ayaa inoo sheegay in ciidanka Al-shabaab ee halkaasi la wareegay dhammaantood ay wjiyada u xiran yihiin, islamarkaana bulshada deegaanka u sheegay inay is dejiyaan.

Shacabka qaarkood ayaa billaabay in magaalada bannaanka ay uga baxaan, waxayna ka baqayaan in dhibaato ay kala kulmaan Al-shabaab.

Dhanka kale madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland injineer Camey ayaa kulan degdeg ah isugu yeeray wasiirada Arrimaha gudaha, amniga iyo taliyeyaasha ciidamada Puntland.

Waxaa la xaqiijiyay in maamulka uu doonayo inuu ciidankiisa u jiheeyo dhanka Garacad oo markii lala wareegayey la sheegay in aanay wax ciidan ah halkaasi ka joogin.

Puntland ayaa sidoo kale heegan gelisay ciidankeeda ku sugan gobolka Mudug, gaar ahaan kuwa ku dhaw deegaanka Garacad.

Deegaanka Garacad waa dhul xeebeed, waxaana halkaasi ku badan dad kallumeysato ah, waana deegaan dhinaca kale ah Istiraatiijiyad.

Goobjoog News