U bood dhigaalka

Ciidamo Ka Tirsan Booliiska Gaarka ah oo Tababar Loo Soo Xiray

Sheeko:Amniga

Ciidamo ka tirsan Booliiska gaarka ah ee dowladda federalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa maanta tababar loogu soo xiray dalka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti, kuwaas oo ah dufcaddii 16-aad ee qaatay tababar nuucaas ah, waxaana munaasabadda joogay taliyaha Booliiska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.

Ciidamada ayaa goobta munaasabadda waxaa ay kusoo bandhigeen dhoolatusyo ka turjumayay tababaradii ay qaateen, waxaana ka mid ahaa sida loo difaaco shacabka iyo ka hortagista marka ay dhacaan rabshadaha, taliye Xijaar oo munaasabadda ka hadlay ayaa kula dardaarmay ciidanka in ay gutaan waajibaadka ka loo idmaday.

Goobta ayaa waxaa sidoo taliyeyaal iyo saraakiil sare oo ka tirsan dowladda Jamhuuriyadda Jabuuti, kuwaas oo qeyb ka ahaa kuwii bixiyay tababarka ciidanka Booliiska, waxaana dhowaan lagu wadaan in ciidanka ay dib ugu soo laabtaan dalka, dowladda Jabuuti ayaa in badan Soomaaliya ka taageerta tababarada ciidamada qeybihiisa.

Goobjoog News