U bood dhigaalka

Ciidamo Ka Tirsan Dawladda Oo Qarax Lagula Eegtay Gobolka Shabeelaha Hoose

Sheeko:Amniga

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay meelo kamid ah Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa Maanta barqadii waxaa uu ka dhacay inta u dhaxeeysa degmada Afgooye iyo degaanka Mareereey ee Gobolkaasi Shabeellaha Hoose.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa goobjoogayaal sheegeen in lala eegtay gaari ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan dowladda oo ka yimid dhinaca degaanka Mareereey kuna soo wajahnaa degmada Afgooye.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in qaraxa uu ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah sidoo kale Ciidamada qaraxa kadib ay fureen rasaas farabadan.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada dowladda ee qaraxa lala beegsaday ay howlgallo miino baaris ah ka sameeyeen wadada xiriirisa degmada Afgooye iyo degaanka Muuri, halkaas oo dhowr jeer ay qaraxyo ka dhaceen.

Maamulka iyo laamaha amniga degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose weli kama hadlin qaraxa lala eegtay Ciidamada ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

 

GOOB JOOG NEWS.