U bood dhigaalka

Ciidamo Ka Tirsan Dowladda Federaalka Oo Qarax Miino Lagula Eegtay Degmada Baraawe Ee Gobalka Shabeelaha Hoose

Sheeko:Dalka

BaraaweWararka ka imaanaya degmada Baraawe ee gobalka Shabeelaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay Qarax Miino, kaa oo lala eegtay ciidamo ka mid ah dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Mid ka mid ah dadka ku dhaqan degmadaasi ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in Miinada ay ahayd mid dhulka lagu aasay, waxaana ciidanka lala eegtay ay saarnaayeen gaari nooca dagaalka ah.

5 ruux oo Laba ka mid ah ay yihiin shacab ayuu sheegay goobjoogahaan in halkaasi ay ku dhaawacmeen, iyadoona ciidamada dowladda ay rasaas fureen.

Qaraxa ka dib waxaa goobta gaaray ciidamo kale oo ka mid ah dowladda Federaalka ee Soomaaliya, waxaana ay sameeyeen howlgal lagu baadi goobayo dadkii falkaasi ka dambeeyay.

Maamulka degmada Baraawe oo aynu xiriir la sameenay waa ay ka gaabsadeen in dhankooda ay faah faahiyaan qaraxaan iyo sidoo kale hadii ay jirto dad ay kusoo qabteen howlgalka ay sameeyeen.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News