U bood dhigaalka

Ciidamo Ka Tirsan Maamulka Koonfur Galbeed Oo Tababar Loogu Soo Xiray Gobolka Bakool

Sheeko:Dalka

Ciidamo ka tirsan daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed ayaa Tababar loogu soo xiray degmada Waajid ee gobalka Bakool, kuwaasi oo dhowr bil uu u soconayey Tababarkani, waxaana tiradoodu ay tahay 312 askari.

Munaasabadda ciidankaan Tababarka loogu soo xirayey waxaa ka qeybgalay wasiirro ka tirsan Koonfur Galbeed iyo sidoo kale maamulka gobalka Bakool.

Wasiirka Hub ka dhigista iyo dhaqan celinta maamulka Koonfur Galbeed oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa u sheegay ciidankaasi in laga doonayo shaqo badan oo ay ugu horreyso amniga guud ee gobolkaasi.

Guud ahaan degmooyinka maamulka Koonfur Galbeed ayuu sheegay wasiirka in loo Tababarayo ciidamo daraawiish ah si loo helo shacab iyo askar ka wada shaqeynaysa nabadda.

Dhinaca kale waxaa halkaasi hadal ka jeediyay Maxamed Cabdi Tool oo ah guddoomiyaha gobolka Bakool, isaga oo sheegay in ka maamul ahaan ay ku faraxsan yihiin in gobolkooda uu yeesho ciidamo badan oo amniga wax ka qabta.

Degmooyin badan oo ka mid ah gobollada Baay iyo Bakool waxaa Tababar loogu soo xiray askar ka tirsan ciidanka daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed.

Goobjoog News