U bood dhigaalka

Ciidamo Ka Tirsan NISA oo Howlgallo Ka Fuliyay Qeybo Kamid ah Caasimadda

Sheeko:Amniga

Ciidamo ka tirsan Hey’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa howlgallo waxaa ay ka fuliyeen qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir, howlgalkaan ayaa waxaa uu ahaa mid qorsheysan, kaas oo si gaar ah uga dhacay Hilwaa, Yaaqshiid iyo Degmada Deyniile ee gobolka Banaadir.

Howlgalka ayaa waxaa la sheegay in ciidanku ay ku gaareen ilaa shan Guri oo bartilmaameedku ahaa, waxaana sidoo kale gacanta hay’adda NISA ku jira shaqsiyaad loo heysto Al-shabaab, Hub, Qaraxyo iyo Gaadiid kala duwan sida ay sheegayaan wararka la helayo ee ku aadan howlgalka ciidanku fuliyay.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo hadlay ayaa waxaa uu digniin u diray shacabka caasimadda, waxaana si gaar ah uu ula hadlay dadka iska leh guryaha uu ugu baaqay in ay iska hubiyaan cidda ay ka kiraynayaan, waxaana uu sheegay in ay sii socon doonaan howlgallada lagu xaqiijinayo amniga Muqdisho.

“Maalmahaan waxaa ay wadeen howlgallo ay ku sugayeen amniga caasimadda iyo daafaha magaalada, howlahaas intii ay ku jireen waxaa ay la kulmeen meelo badan oo Argigixisadu ay ka dhigteen saldhigyo oo ay gabaad ka dhigtaan oo gudaha magaalada Muqdisho ah, waxaan u sheegaynaa dadka Soomaaliyeed in guryahooda marka ay kiraynaayaan ay ogaadaan cidda ay ka kiraynaayaan, cidda ay tahay” ayuu yiri guddoomiye Madaale.

Ciidamada Nisa ayaa muddooyinkii dambe gudaha caasimadda ka waday howlgallo lagu xaqiijinaaayo amniga guud ee caasimadda, waxaana dhowr jeer howlgallo ay fuliyeen ay ku sheegeen in ay ku burburiyeen Shabakado Al-shabaab ah, waxaana howlgalkaan uu ku soo aadayaa iyadoo howlgallo ay ka socdaan gobollada dalka.

Goobjoog News