U bood dhigaalka

Ciidamo Ka Tirsan Puntland Oo Qarax Lagula Eegtay Galgala, Bari

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya buuraleyda Galgala ee gobolka Bariayaa waxay sheegayaan in qarax Miino lala eegtay ciidamo ka tirsan maamulka Puntland kuwaa oo saarnaa gaari nooca dagaalka ah.

Miinada oo la sheegay iney dhulka ku aasneyd ayaa wararku waxay sheegayaan in lala eegtay kolonyo ay la socdeen ciidanka Puntland, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare kala duwan.

Ugu yaraan Labo askari ayaa ku geeriyootay qaraxaasi, iyadoo dhaawaca uu ku dhow yahay Shan, sida ay inoo sheegeen dad ku dhow halkaasi.

Ciidamada ku dhaawacmay qaraxan waxaa loo qaaday magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, welina maamulka Puntland kama aanay hadal qaraxan.

Buuraha Galgala waxaa la sheegaa iney ku jiraan dagaalyahanno ka tirsanaa Al-shabaab, balse markii dambe sheegay iney kamid yihiin Daacish.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News