U bood dhigaalka

Ciidamo Ka Wada Tirsan Dowladda Oo Maanta Isku Rasaaseeyay Degmada X/weyne Ee Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Ciidamo ka kala tirsan Booliiska iyo Nabad sugidda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isku rasaaseeyay degmada X/weyne ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo khasaare uu ka dhashay.

Gudoomiyaha degmadaasi Cabdiqaadir Maxamed Cabdiqaadir oo u waramay Goobjoog News, ayaa sheegay in halkaasi uu hal askari ku dhaawacmay, islamarkaana goobta ciidankaan isku raasaaseeyeen ay ahayd goob shacabka ku badan yahay.

Waxa uu sheegay in Ciidanka Booliiska ay saldhigga degmada Cabdicasiis ka tirsan yihiin, halka kuwa Nabad sugidda uu sheegay in dhanka degmada Yaaqshiid ay ka yimaadeen.

Gudoomiye C/qaadir ayaa sheegay in askartaan ay ku dagaaleen Taleefanada gacanta oo celis ah kuwaa oo la keeno suuq ku yaalla degmada X/weyne, isaga ka digay in degmada mar kale ay kusoo laabtaan falalka sidaasi oo kale ah.

Dhinaca kale gudoomiyaha degmada Xamarweyne C/qaadir Maxamed Cabdiqaadir ayaa ugu baaqay talisyada ciidamada Booliiska iyo Nabad sugidda ee gobalka Banaadir, in ay wax ka qabtaan ciidamada aan shaqada hayn, islamarkaana shacabka ku dhex dagaallaya xilliyada qaar.

Goobjoog News