U bood dhigaalka

Ciidamo Ka Wadatirsan Puntland oo Ku Dagaalamay Duleedka Garoowe

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaaraya maagalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa waxaa ay sheegayaan in duleedka Bari ee magalaada iska hor imaad uu ku dhex maray ciidamo ka wada tirsan maamulkaas, xilli lasoo warinayo khasaare ka dhashay iska hor imaadka labada dhinac.

Ciidamada dagaalamay ayaa waxaa ay kala ahaayeen ciidanka lagu magacaabo  PMPF oo ay taageerto dowladda Imaaraadka Carabta, waxaana dagaalka ay la kulmeen xilli ay galbinayeen danaadiiqda doorashada lagu murmay taas oo madaxweyne Siciid Deni iyo siyaasiyiintu isku khilaafeen.

Wararka qaar ayaa waxaa ay sheegayaan in sanaadiiqda dib loogu soo celiyay magaalada Garowe, waxaana wali is hor fadhiya ciidamadii israsaaseeyay, madaxweyne Deni ayaa dhowaan sheegay in wax ka bedel lagu sameynayo Dastuurka maamulka, taas oo ay ka dhilisay diidmo xoogggan.

Goobjoog News