U bood dhigaalka

Ciidamo Kala Taabacsan Puntland Iyo Galmudug Oo Isku Rasaaseeyay Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Israsaaseyn ayaa ka socota suuqa Darxumo ee bartamaha  magaalada Gaalkacyo una dhaxeeya Koonfurta iyo Waqooyiga magaaladaasi.

Israsaaseyntani ayaa u dhaxaysa ciidamo kala taabacsan maamullada Galmudug iyo Puntland, waxaana ay timid markii ay adeegyo ganacsi ay is hor istaag ku sameeyeen ciidamada Puntlan.

Khasaare ayaa la soo sheegayaa inuu jiro balse lama xaqiijin karo inta uu la eg yahay, waxaana la maqlayaa rasaas goos goos ah, iyadoo sidoo kalena Labada dhinac ay is horfadhiyaan.

Wariyaasheena ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa soo sheegaya in xaaladdu kacsan tahay islamarkaana dadka shacabka ah ay baqdin muujinayaan.

Masuuliyiinta Galmudug iyo Puntland ayaa weli ka hadlin arrintani, ganacsigiina waa uu istaagay inkastoo ay maanta Jimco tahay haddana isa socodkii dadweynaha ayaa gabaabsi noqday.

Warkan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News