U bood dhigaalka

Ciidamo Lagu Dilay Dalka Nigeria

Sheeko:Dalka

Waddanka Nigeria waxaa lagu dilay 4 ka tirsan ciidamada booliska waddankaasi iyo saraakiil ka tirsan booliska, ka dib markii ay kooxada Boko Haram ay weerar ku qaadeen ciidamadaan, sida ay sheegeen mas’uuliyiin dhanka amniga ah .

Inta badan kooxda Boko Haram ayaa waxay weeraro ku qaadaa fariisimada ay leeyihiin ciidamada Nigeria waxayna awood ku leedahay gobollo badan oo ku yaallo waddankaasi.

Ururkaan ayaa waxaa la aas aasay sanadkii 2002-dii isagoo raacsan fikir ahaan ururka Daacish, waxayna si buuxda ay u maamulaan gobollada waqooyi bari ee dalkaasi.

Mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha xuquuqul insaanka ayaa waxay ku eedeeyeen boko Haram inay geestaan falal ka dhan ah bani’aadanimada.