U bood dhigaalka

Ciidamo  Loo Tababaray Ilaalinta Saraakiisha Dowladda Iyo Galbinta Madaxda Sare

Sheeko:Dalka, War

Booliska AMISOM ayaa waxaa uu soo gabagabeeyay tababar labo isbuuc ah oo ku saabsan ilaalada gaarka ah kaas oo loo qaabtay Booliiska Koonfur Galbeed.

Tababarka ayaa waxaa looga gol lahaa horumarinta tayada ciidamada ammaanka si ay u gutaan waajibaadka ilaalinta saraakiisha dawladda iyo galbinta madaxda sare.

Tababarkan cusub  ayaa imaanaya ka dib markii ay kordheen dilalka Al-Shabaab ay ku beegsanayaan madaxda iyo saraakiisha dawladda.

Isaga oo xafladda ka hadlayey ku-xigeenka Booliiska ee AMISOM ASP Christopher Mumo waxaa uu sheegay tababar kale ay ku qaban doonaan Muqdisho kadib tababar lagu qabanayo magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbaland.

Aden Cali Xasan oo ka tirsan saraakiisha booliiska ee Koonfur Galbeed ayaa dhankiisa AMISOM uga mahadceliyay tababarkan isagoo intaa raaciyay in ay diyaar u yihiin ilaalinta madaxda.

Aden waxaa uu sidoo kale ka hadlay in tababarkan uu ahaa mid adag oo 14 maalmood socday, weliba aan ka go’ laheyn oo Khamiis iyo Jimce xitaa la dhigtay, isla markaana aad looga faa’iday.

Goobjoog News