U bood dhigaalka

Ciidamo Sacuudiga Ah Oo Lagu Dilay Xadka Yemen

Sheeko:Dalka

Saddex askari oo Sacuudiyiin ah ayaa waxaa lagu dilay xadka Koofureed oo ay wadaagaan Sacuudiga iyo Yeman ka dib dagaal dhex maray ciidamada iyo maleeshiyaadka Xowthiyiinta.

Warbaahinta Sacuudiga ayaa waxay sheegtay in ciidamadaSacuudiga ay dileen koox ka tirsan maleeshiyaadka Xowthiyiinta ka dib markii ay holwgal ay ka fuliyeen xuduuda Najraan oo kala qeybisa labada dal.

Tirada ciidamada Sacuudiga laga dilay todobaadkii la soo dhaafay ayaa waxay gaarayaan ku dhawaad 20 askari, kuwaas oo lagu dilay weeraro iyo isku dhacyo ka dhacay xaduuda ay wadaagaan Sacuudiga iyo Yeman.

Dhanka kale waxaa la dilay 8 ka tirsan ciidamada Yeman kuwaas oo ay duqeeyeen isbaheysiga carbeed, ciidamadaan ayaa waxay ku sugnaayeen gobolka Sacdiyah.

Goobjoog News