U bood dhigaalka

Ciidamo Gadoodsan Oo La Wareegay Degmada Matabaan

Sheeko:Amniga

Wararka Goobjoog News ka heleyso degmada Matabaan ee Gobalka Hiraan, ayaa sheegaya in saakay ciidamo taabacsan Ururka Ahlu Sunna Waljameca ay la wareegeen gacan ku heeynta degmada .

Ciidamada ayaa la sheegay in ay aheeyn kuwa horay uga tirsana Ahlu-suna Balse markii danbe la qarameyay , iyagoo qeeyb ka noqday Taliska CXD guutada 15 aad .

Xarunta degmada , saldhig ku yaalay degmada iyo xaruma kale oo Muhiim ah ayaa la sheegay in ay la wareegeen gacan ku heeynta ciidamadan oo taabacsan Ahlu-sunna .

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo aan la xiriirne ayaa sheegay in qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa ahlu suna oo isku dhacay ay sababtay in saraakiisha Ahlu sunna ay la wareegaan magaalada .