U bood dhigaalka

Ciidamo Talyaani Ah Oo Qarax Lagula Eegtay Magaalada Muqdisho (Video)

Sheeko:Amniga

Gaadiid ay la socdeen ciidamo Talyaani ah ayaa maanta waxaa qarax ismiidaamin ah lagula eegtay nawaaxiga wasaaradda difaaca ee magaalada Muqdisho, waxaana qaraxan ka dhashay khasaare kala duwan.

Sida ay inoo sheegeen dad ku dhow halkaasi, gaari noociisu yahay NOAH ayaa lagu weeraray kolonyadan, waxaana bu-buray mid ka mid ah gaadiidkii ay la socdeen askartan.

Lama oga khasaaraha soo gaaray ciidankan Talyaaniga ah ee qaraxan lala eegtay, hase ahaatee waxaa jirta waxyeello soo gaartay dad shacab ah oo halkaasi marayey, gaar ahaan kuwo saarnaa Mooto Bajaaj iyo kuwo ku sugnaa hareeraha laamiga qaraxan uu ka dhacay.

Ciidamada ammaanka ayaa gaaray goobta qaraxa uu ka dhacay, iyaga oo xiray wadada, mana jirto faah faahin ay bixiyeen hay’adaha ammaanka.

1-dii bisha October ee 2018 ayaa sidan oo kale gaadiid ay la socdeen ciidamo Talyaani ah waxaa qarax lagula eegtay magaalada Muqdisho.

Halkaan hoose ka daawo muuqaalka:

[youtube https://www.youtube.com/watch?v=D2yGdkNy9ao]
Goobjoog News

 

 

1-oc