U bood dhigaalka

Ciidamo Xoogga Dalka Ah oo Ku Baxay Dagaal Beeleed Gobolka Galgaduud

Sheeko:Amniga

Ciidamo ka tirsan xoogga dalka qeybta 21aad ayaa saaka gaaray deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud, halkaas 24-kii saac ee la soo dhaafay ay ku dagaalamaeen, labo maleesiyo beeleed, oo wada dega goobtaasi.

Ciidamada oo ka soo ruqaansaday magaalada Dhuusamareeb ayaa degay deegaannada Xananbuure iyo Qalaanqalle, ciidamada ayaana fariisimo ka sameystay  goobihii lagu dagaalamay.

Subaxanimadii saaka ayaa markale dagaal dib uga qarxay deegaanka Qalaanqalle, kahor inta aysan gaarin ciidamada, wararka Goobjoog ay ka helayso goblka ayaa ku waramayo in hadda ciidamu ay gaareen Qalaanqalle oo hoos yimaada magaala Dhuusamareeb, ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug

Dagaalka ka dhacay deegaannada Xananbuure iyo Qalaanqalle ayaa waxaa ku naf waayey 15 ruux oo labada dhinac halka ay ku dhaawacmeen ku dhowaad 30 kale , kuwaas oo dhaawacyadooda la kala gaarsiiyey magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb, waxaana ka mid ahaa wasiirkii hore ee shaqaalaha Galmudug Daahir Shidane Cabdi,

Deegaannada Xanaanbuure iyo Qalaanqalle ayaa muddooyinkii dambe waxaa ku soo noqnoqonaayey dagaal beeleedyo, kuwaas oo u dhaxeeyo dadka xoolo dhaqatada ah ee degan deegaannadaasi, dagaalkii shalay ayaa waxaa uu ka bilowday Barkad biyo, iyadoo lagu waayey 15 dhallinyaro ah, halka uu dhwaac soo tiro kale oo 30 ku dhow.

Goobjoog News