U bood dhigaalka

Ciidan Xoogga Dalka oo Ka Warbixiyay Howlgal Lagu Dilay Xubno Ka Tirsan Al-shabaab

Sheeko:Amniga

Ciidamada xoogga dalka gaar ahaan Qeybta 60-aad ayaa howlgal ay ka fuliyeen deegaan hoostaga magaalada Baydhabo, waxaa ay sheegeen in ay ku dileen dagaalamayaal ka tirsan Kooxda Al-shabaab.

Howlgalka ayaa waxaa uu si gaar ah uga dhacay Makuude oo qiyaastii 7-km dhanka Koonfur kaga beegan magaalada Baydhabo ee caasimadda  KMG ah dowlad goboleedka  Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalkaan ayaa waxaa ay sheegeen in la dilay 14 dagaalame oo ka tirsan kooxda, kuwaas oo isku dayay in ay weerar kusoo qaadaan fariimaha ciidanka ay ku leeyihiin deegaankaasi.

Deegaannada Koonfur Galbeed ayaa muddooyinkii dambe waxaa kasocday dhaqdhaqaaqyo ciidan, kaas oo lagu doonayo in Al-shabaab looga saaro deegaannada ay kaga sugan yihiin maamulka Koonfur Galbeed.

Howlgalka wajiga labaad ee dowladdu ku dhawaaqday ayaa laga dareemayaa Hirshabeelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed, waxaana lagu wadaa in ay qeyb ka noqdaan ciidamo ka socda dowladaha dariska ah.

Goobjoog News