U bood dhigaalka

Ciidanka AMISOM Oo Loogu Baaqay Inay Dhowraan Haweenka Iyo Caruurta

Sheeko:Dalka

Hawlgalka Midowga Africa ayaa ugu baaqay askarta AMISOM inay ilaaliyaan ammaanka dadka rayidka inta lagu guda jiro hawlgalada lagu sugayo ammaanka dalka Soomaaliya.

Karneyl Shadrack Othieno Mutacho oo ka mid ah saraakiisha AMISOM ayaa sheegay in in askarta ku hawlan dagaalka lagula jiro xarakada Alshabaab ay qaadaan tillaabooyin taxaddar uu ka muuqdo si loo ilaaliyo waxyeelo soo gaarta shacabka.

Midowga Africa ayaa sheegay in ciidamada ay qasab ku tahay inay u hoggaansamaan sharciga lana ilaaliyo haweenka iyo carruurta kuwaas oo ah dad u nugul dhibaatada sidaas daraadeedna waa in la xaqiijiyo sidii loo ilaalin lahaa dadkaan waxayna warka kasoo baxay midowga Africa lagu sheegay in arrintaani ay tahay mid muhiim ah.

Warkaan ka soo baxay midowga Africa ayaa imanaya kadib markii ciidamada AMISOM ay si qalad ah u dileen afar qof oo rayid ah xilli lagu guda jiray hawlgal ammaan oo ka dhan ah xarakada Alshabab magaalada Bula Marer ee gobolka shabeellaha hoose bishii April ee sanadkan.

Ciidamada AMISOM ayaa goobta falku ka dhacay ku lahaa bar kontorool  waxaana socday xiligaas hawlgalo dhanka ammaanka ah markaas kadib ayaa gaari xawaare ku socda u soo dhawaaday barta kontoroolku ku yaalay waana ka dhaga adeygay inuu u hoggaansamo digniino loo soo jeediyey, Askarta AMISOM ayaa u qaadatay in gaariga uu yahay mid ay ku rakiban yihiin waxyaabaha qarxa waxayna ku fureen rasaas taasoo keentay in dadkaas rayid ah ay isla goobta ku dhintaan.

Goobjoog News